Sunday, February 24, 2008

Maanta xagee joognaa shalay maxaan ahayn
















xildhibaan sharmarke Gaani baan maanta teleefoon ku wada xiriirnay wuxuu ii sheegay inuu u socdo balanbale ,dhabad iyo caabudwaaq halkaasna wuxuu u tagayaa arimo la xiriira beesha sade, anigu runtii ma diidane sharmaarke oo gaani nin dadkiisa ku jira buu ahaa, laakiin waxan la yaabay maxaa uga hagaagi karaa meeshaas? waxan ka baqayaa in reerkaan uusan ogayn meel uu marayo iyo meel uu u socdo,shalay maxamed siyaad barre danbi buu ka galay beesha iyo daarood oo dhan oo maanta waxa taagan isagaa abuuray,meesha aynu joognana waa meel uu isagu noogu talo galay taas hadaan ka soo tago waxan maqli jiray ma umul baa ilowsho dhawaa, kismaayo waxaa ku hayaamay dadkii somaliyed ama daarood oo xamar guriyahoodii iyo xoolahoodii laga baro kiciyey markaasaa lagu soo dhaweeyey indhacade iyo dadkii barakacaas masuulka ka ahaa ama beesha cayr, markii ilaahay inoo jilaafeeyey oo aan iska saarnayna maanta reero gooni ah baa doonayaa inay sii kala saaraan sade marexaan, waad ila garan kartaan dadkaas, dhamaantiin wado indho baad tihiin. reero khaas ah baa doonaya inay isbaaro noo dhigtaan markay ka soo tageen daarood bay hada sade mareexaan ka dhex qaraabanayaan.





Nin I sigay ma nabad galo Nin isugeyna maba jiro Libta weli ma sii deyn Gardarrada ma saacido Nin xaq lehna cid lama simo Soomaali baan ahay!

arintu waxa weeye somali baan nahay mana ogolin in reer la wareego maamulkayaga iyo mansabkayaga.
shalayna waan caqli darayn maantana waan socod xunahay taasna waxay soo wadaa mustaqbil ka mugdisan kii uu na galiyey mohamed siyaad barre, bal muxuu u taray reerka haduusan ceelna u qodin cilmina barin ee uu u abuuray cadaawad daarood iyo mid somalida kale.
maanta sade hadaan nahay qabiil walba nama rabo nacayb baa la inoo hayaa laga soo bilaabo raaskambooni ilaa raas casayr ,misna ma naqaan dadkii aan la heshiin lahayn iyo dadkii aan iska celin lahayn. waxaan anigu ku talin lahaa talo waxay faraheena ka baxday markaan dad aan talin jirin aynu talada u dhiibanay oo Gedo iyo garbaaharay oo aan anigu runtii u arko dad oromo u dhaqan eg aynu wax u dhiibanay,taladu waxaa weeye inaan tol laƤan iyo talo" inagu dhicine aynu maanta wax la qaybsano dadka somaliyeed aynu la midowno walaalaheen puntland oo aan wax la qabsano iyaga ,aniga oo maxamed cismaan ah waxaan soo maray gaalkacyo 4 bilood ka hor kadibna waxaan u gudbay kismaayo wallee labadooda gaalkacyo baan nabad u seexanayey iyo sharaf iyadoo maanta la leeyahay mareexaan baa kismaayo ka taliya , waa been reer baa isbaaro dhigtay, oo waliba dadkii ku amar ku taaglaynaya oo nacayb sii abuuraya.
warar badan baan idiin soo gudbin doonaa insha alaah ,hada ka dibna halkaan baynu ku wada xiriiraynaa.
ha noolaadaan bahda wanagsan .
gobonimo mareexaan waqooyi
gobnimo dadka lagu yaqaan gobonimada iyo nabad iyo dagaalka labadaba.
nabadgelyo walaalayaal
maxamed Cismaan, Columbus Ohio.

No comments: